Bartamaha (Kismaayo):-Kooxda Alshabaab ayaa maanta fagaare ku yaala Kismaayo ku toogatay nin Jaasuus lagu sifeeyay oo xukun la dul dhigay.
Kooxda Shabaabka ayaa waxa ay maanta nin Jaasuus lagu tilmaamay ku dishay gudaha Magaalada Kismaayo Ee Gobolkaasi Jubada Hoose.
Saraakiisha Shabaab ayaa waxa ay maanta fagaare ku yaala Kismaayo ku dishay Nin ay dhawaan qabteen kaasi oo lagu sheegay in uu ahaa Jaasuus u shaqeynayay Dowlada KMG ah kaasi oo ay shabaabka qabteen xukuna ku rideen.
Dilka ayaa ka dhacay meel fagaara ah oo ku taala Kismaayo waxaana goobtaasi ka hadlay Saraakiil Shabaab ah oo la aaminsan yahay in ay ahaayeen kuwii xukunka ku riday ninkaasi lagu sifeeyay Jaasuuska.
Ma aha dilkan kii ugu horeeyay ee ka dhacay Kismaayo waxaana hore shabaabka ay u dileen rag ay ku sifeeyeen Jawaasiis iyo qaar ka mida dadkii u shaqeyn jiray xilli dowlada Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
killing and killing, and killing, that’s the only thing they keep doing