Alshabaab oo maro dul dhigtay WFP iyo ganacsatada Qandaras qaatayaasha Soomaalid ah.

Posted on Nov 25 2009 - 7:41am by News Desk
Tweet
Pin It

alshabaab wfpBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab oo Warsaxaafadeed ay soo saartay ku mamnuucday in raashin dibada laga soo gaday WFP ka qeybiso gudaha Soomaaliya iyadoo amaro dul dhigtay hay’adaasi.

Warsaxaafadeedka Xarakada Alshabaab ka soo baxay ayaa lagu faray WFP in ay joojiso dhamman raashinka ay ka soo iibsato dibada  iyadoo la amray in ay ka iibsato Beeralayda Soomaalida.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu Qoray in WFP ay dhammaan qeybiso raashinka ku xaraysan Bakhaarad oo dadka u baahan la siiyo xiliga ugu haboon iyadoo looga digay in ay qeybiso xiliga beeruhu soo go’aan.

Qandaraas qaatayaasha ayaa la faray in ay ka baxaan shaqadaasi iyo xiriirka kala dhexeeya WFP inta ka horeysa 2010 iyadoo warsaxaafadeedka lagu xusay ganacsatada qandaraaska ka qaata WFP.

Fariintan digniinta ah ee WFP iyo shaqadeeda ku socday ayaa waxa uu imaanyaa xili dhawaanahan khilaaf uu u dhexeeyay ganacsatada qandaraaska ka qaata WFP iyo Xarakada Alshabaab oo isku mari waayay qaabka shaqada iyo dhaqaalaha.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.