Alshabaab oo fagaare ku dishay nin lagu sheegay Jaajuus.

Posted on Jul 10 2010 - 10:36am by News Desk
Tweet
Pin It

somalia mapBartamaha  (Baydhabo):- Alshabaab ayaa meel fagaara ah ku dishay nin lagu sheegay in uu sirdoon u ahaa Dowlada KMG ah kaasi oo ay xukun ku rideen.

Saraakiisha Maamulka Alshabaab Bay ayaa xukun dil ah ku fuliyay nin ay qabteen ka dibna lagu Eedeeyay in uu jaasuus u ahaa Dowlada KMG ah kaasi o meel fagaara ah lagu dilay.

Ninka la dilayay ayaa waxaa lagu sheegay in uu ka soo baxay Muqdisho si uu u gudbiyo sirta Alshabaab Baydhabo iyagoo maamulka ku faanay in ay ku guulaysteen dilka ninkaasi jaajuuska ah.

Dadka Baydhabo ku dhaqan ayaa lagu qasbay in ay yimaadaan Garoonka Kubada Cagta Ee Dr.Ayuub si ay u daawadaan dilka ninkaasi ay shabaabka qabteen kuna tilmaameen Jaajuuska.

Ma aha markii ugu horaysan oo xukun nuucaani oo kala ah uu ku dhaco qof ay qabtaan Alshabaab waxaana horay loo xasuustaa dad badan oo loo gowracay magaca Jaajuus dhanka Dowlada ah

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Naiorobi-Kenya.