Alshabaab oo Culima ku sheeg ku tilmaamtay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.

Posted on Mar 28 2010 - 11:13am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA MILITIABartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay baaq ka soo yeeray hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo ay ku sheegeen kuwa aan shareecada Islaamka ka tarjumin.

Waaliga Alshabaab Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Culimada ku midaysan Hay’ada Culimada Soomaaliyeed aanay ka tarjumi Karin dadka diinta u saaxiibka ah.

Gudoomiyaha Alshabaab Muqdisho waxa uu sheegay in Culimada cambaareysay burburinta qabuuraha ay la mid yihiin kuwa aan shareecada Islaamka meelna ka soo galin oo aan raad ku lahayn.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Kooxda Culimada ay yihiin kuwa aan Culimo ahayn islamarkaana ay yihiin koox isku tagtay oo markii hore ogolaa in shareecada islaamka lagu dhaqmo balse haatan ay ka laabteen .

Hadalka Sargaalka Gobolka Banaadir u qaabilsan alshabaab ayaa imaanaya xilli Culimada Soomaaliyeed ay alshabaab ugu baaqeen in ay ka laabtaan burburinta iyo qabuura qodida ay samaynayaan.

Alshabaab ayaa si toos ah u cadaysay in aanay aqoonsanayn Culimada Soomaaliyeed eek u midaysay Golaha Culimada Soomaaliyeed oo dhawana dalbaday in Alshabaab ay diinta islaamka ku dhaqmeen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.