Bartamaha (Baladweyne):- Kooxda Alshabaab ayaa maanta ooda ka qaaday Maxaabiis ugu xerxernayd Deegaano badan oo ay ka taliyaan gudaha Dalka Soomaaliya.
Saraakiisha Alshabaab Maamulakooda Koonfurta Soomaaliya ayaa siyaaba kala duwan u sii daayay maxaabiis fara badan oo ay horay u xerxereen kuwaasi oo Bisha Ramadaan awgeed laga sii daayay Xabsiyada.
Waxaa maanta ooda laga qaaday maxaabiis ku xerxernayd Xabsiyada Baladweyne,Baardheere iyo Kismaayo oo dhammaan ay ka taliso Kooxda Alshabaab taasi oo maanta facis bisha Ramadaan awgeed ugu samaysan Maxaabiista.
Dadka la sii daayay ayaa badankood ahaa kuwa lo haystay Dinbiyo aan sidaa u xoog badnbayn wallow weli ay xeranyihiin qara kale oo maxaabiis ah kuwaasi oo Eedeymo kala duwan loo jeediyay.
Cafis u fidinta Maxaabiista ayaa waxa ay timid xilli maanta ay ku beegnayd maalintii Labaad Ee Bisha Barakaysan Ee Ramadaan iyadoo dad badan ay soo dhjaweeyeen Maxaabiista laga daayay Xabsiyada.
Maxaabiista ayaa maanta waxaa laga kala daayay xabsiyada Kismaayo,Baardheere iyo Baladweyne oo dhammaan ay maamusho Kooxda Alshabaab taasi oo dhawaanahan ku dhawaaqaysay dagaal ka dhan ah Dowlada xiliga Bisha Ramadaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika