Bartamaha (B/Weyne):- Maleeshiyada Alshabaab ayaa boob u gaysatay dhammaan hantidii hay’ada WHO u taalay Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.
Maleeshiyada Alsabaab Baladweyne ayaa saaka xoog ku gashay xarunta WHO ee Baladweyne halkaasi oo ay ka bililiqeysteen dhammaan qalabkii hay’adaasi ku shaqeyn jirtay iyo agab kala duwan oo yaalay dhismaha Hay’adaasi Caafimaadka aduunka.
Hantida illaa hada la qaatay ayaa ah mid aan xisaab lagu qiyaasin weli wallow dhismahaasi oo idil saaka uu yahay mid haawanaha markii la qaatay Kombiyuutarada hay’ada ku shaqeynaysay iyo dawooyin fara badan oo hay’ada ay doonaysay in ay isbitaalada u qeybiso.
Maleeshiyada gashay dhismaha ayaa waxaa ku jiray saraakiil culus oo shabaab ah kuwaasi oo hormuud u ahaa bililiqada hay’ada Caafimaadka aduunka WHO xarunta ay ku lahayd magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan oo saaka ay maleeshiyadan ku yaaceen.
Dadweynaha ayaa waxaa loo fasaxay in ay qaataan qalabka xafiisyada iyo Jiif yaalay dhismahaasi WHO ku lahayd Baladweyne oo la cadeeyay in bililiqada loo gaystay ay ahayd mid ku tala gal ah oo maamulka ay fasaxeen in hantidaasi la qaato.
Ma aha markii ugu horaysay oo shabaab ay dhacaan hantida hay’adaha gargaarka iyo NGO-yada gaarka ah ay leeyihiin waxaana hore loo bililiqaystay xafiisyo badan oo ku yaala dhulka ay shabaabka haystaan ee dalka Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika