Alshabaab oo Baladweyne faarujisay iyo Cabsi daran oo la dareemay.

Posted on Oct 7 2010 - 10:10am by News Desk
Tweet
Pin It

shacabababaBartamaha (Muqdisho):- Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in cabsi xoog badan laga dareemayo Baladweyne oo ay faarijiyeen Maleeshiyaadkii Shabaab.

Maleeshiyaadkii ugu badnaa ayaa magaalada isaga baxay Xalay saqidii dhexe ka dib markii si toos ah uu u saameeyay Khilaaf dhawaanahan ka dhex taagnaa Hogaanka ugu sareeya Alshabaab.

Maleeshiyada magaalada Baladweyne isaga baxday ayaa dhammaan waxa ay ahaayeen kuwa ku heyb ah Abuu Mansuur waxaana ay ka talaabeen xadka ay wadaagaan Bakool iyo Hiiraan sida aan ku ogaanay warar xaqiiqda u dhow oo soo gaaray www.Bartamaha.com.

Saraakiisha haysatay Maleeshiyada shabaab Baladweyne ayaa badankood ka soo jeeday Bay iyo Bakool waxaana ay guud ahaan goosteen in ay isaga baxaan Magaaladaasi Baladweyne.

Ciidanka ka dhaqaaqay Magaaladaasi ayaa waxa uu dhabar jab ku noqday jiritaankii Maamulkii Shabaab Baladweyne waxaana magaalada maanta ka taagan cabsi balaaran oo qof walba oo ku sugan magaalada uu dareemay.

Dhanka kale Ciidan Ethiopian ah iyo kuwa Dowlada ayaa ooda soo jabsaday waxaana laga baqanayaa in ay saacadaha soo aadan soo gaaran Magaalada Baladweyne oo Ciidan la’aan ay hadda ka taagan tahay markii ciidankii badnaa ay isaga bexeen Baladweyne.

Dadka magaalada jooga qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in xaafado magaalada ka mida lagu arkayo askar aad u yar oo meeraysanaya gudaha Xaafadaha kuwaasi oo u muuqanaya kuwa baqdin ka qaba in farahooda ay ka baxdo Magaalada Baladweyne.

Wixii isbadal ah ee ka dhaca Baladweyne iyo xaalada taagan kala soco www.Bartamaha.Com.

Xafiiska warqabadka www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].