Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa shalay iyo maanta Suuqa bakaaraha ka qabqabtay haween aan wadan Xijaabka dhamaystiran.
Ciidamada Xisbada Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa xabsiyada u taxaabay gabdho aad u fara badan oo kor u dhaafaya 32-haween ah kuwaasi oo aan wadan Xijaabka l amray in ay qaataan.
Gabdhaha la xerxeray ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan gawaari looga daad gureeyay isgoysyada Bakaaraha iyo wadooyinka kale ee soo gala suuqa.
Qaar ka mida gabdhaha la qabqabtay ayaa waxaa lagu ganaaxay in ka badan 20-$ taasi oo ka badan lacagta lagu iibsado Xijaabka.
Illaa haatan waxaa xabsiyada jira haween badan oo Magaalada gudaheeda laga soo qababtay iyadoo suuqyada waaweyn ay u badanyihiin goobaha haweenka aan xijaabnayn lagu gaado.
Magaalada Muqdisho inta badan haweenka waxa ay xerteen Xijaabka wata Goonada ama Cabaayada iyadoo goobaha aanay ka talin Islaamiyiinta aan marnaba laga dareemaynin amarkaasi wallow haweenka xiliyada ay soo aadayaan dhanka Bakaaraha iyo Deegaanada kale ee Islaamiyiinta ay xertaan Xijaabka.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.