Alshabaab oo awood kula wareegtay dhammaan qalabkii Idaacada BBC-da Koonfurta Soomaaliya.

Posted on Apr 10 2010 - 6:16am by News Desk
Tweet
Pin It

bbc_logoBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa la wareegtay dhammaan qalabkii Idaacada BBC-da ay ku shaqeyn jirtay ka dib amarkii shalay soo soo saartay.

Sida warku nagu soo gaaray Ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay galeen Xarunta BBC-da Muqdisho taasi oo ku taalay gudaha Suuqa Bakaaraha iyagoo kala baxay FM-kii iyo dhammaan qalabkii lagu baahin jiray Idaacada.

Ciidamada oo ay saraakiil la socdeen ayaa waxa ay gawaari ku qaateen dhammaan Compiuteradii,Mecseradii iyo FM-kii guud ee Laanta BBC-da muqdisho ay ku samaysatay.

Dhanka kale waxa ay Alshabaab kala dageen Xarumaha Shirkada Telcom Somalia dhammaan qalabkii Anteenooyinka ahaa ee lagu firdhin jiray codka Idaacada.

Magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo,Dhoobley,Baydhabo,Marka iyo Baraawe ayay kala dageen Ciidamada qalabka Idaacada ay lahayd iyo antenooyin shirkadaasi Telcom laamaheeda u saarnaa.

La wareegida qalabka BBC-da ayaa imaanaya saacada ka dib amarkii shalay ay soo saareen shabaabka oo lagu mamnuucay Idaacadaasi iyo VOA oo lagu sheegay kuwa cadow ku ah Mujaahidiinta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.