Bartamaha(Balad-Xaawo):-Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa albaabyada u laabay Idaacada Maandeeq Ee Degmada B/Xaawo iyagoo qaatay guud ahaan qalabkii Idaacadaasi.
Wariye ka tirsan Idaacada Maandeeq oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Koox ka tirsan Ciidamada Alshabaab ay gudaha u soo galeen Idaacadaasi iyagoo qaatay guud ahaan qalabki Idaacadasi.
Ciidamada Alshabaab ayaa waxa la sheegay in galeen dhammaan Xafiisyada Idaacada iyagoo qaatay dhammaan qalabkii ay Idaacada ku shaqeynaysay oo aan la garanaynin ujeedada ay ka leedahay.
Idaacadaasi Maandeeq ayaa waxaa horey u xeray Ciidamada Maamulka Alshabaab oo xabsiga dhigay qaar ka mida shaqaalaha iyo madaxda Idaacadasi wallow lagu hishiiyay in ay joojiyaan baahinta Heesaha iyo Musikada.
Xiligan lama yaqaan ujeedada loo xeray Idaacada Maandee iyadoo la xaqiijiyay in Idaacada ay haatan hawada ka maqantahay dhammaan Saxafyiintiina lagu amray in ay albaabka ka baxaan oo aanay shaqo iyo dhaqdhaqaaq samaynin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.