Alshabaab Kismaayo oo sheegatay in ay dib u qabsadeen Degmada Dhoobley.

Posted on Feb 20 2010 - 4:40am by News Desk
Tweet
Pin It
« PREVIOUS
|

xassa yaquubBartamaha(Dhoobley):-Maamulka Kooxda Alshabaab Kismaayo ayaa waxa ay sheegteen in ay ka saareen Kooxdii qabsatay Degmada Dhoobley si dagaal la’aan ah.

Afhayeenka Alshabaab Kismaayo Sheekh Xasan Yacqub Cali oo saxaafada la soo xiriiray ayaa sheegay in ay qabsadeen Dhoobley markii ay Ciidamo u direen Degmadaasi.

Ciidamada ayuu sheegay Afhayeenka in ay wadada ku sii jireen Xiliga Kooxda qabsatay Dhoobley ay isaga cararayeen Degmadaasi Dhoobley Ee Gobolka Jubada Hoose.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegtay in ay guul ka gaareen dagaalkii khamiistii ka dhacay Dhoobley oo ay xeelad dagaal uga soo bexeen Degmadaasi ka dibna shalay ay dib u gaareen.

Ciidamadii Sheekh Axmed Madoobe ayaa shalay dagaal la’aan uga baxay Dhoobley halkaasi oo xillki waliba dagaal la filan karo maadaama ay dib u gaareen Ciidanka Kooxda Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.