Alshabaab Kismaayo oo Ciidamo u diyaarisay la dagaalanka Burcad Badeeda.

Posted on Mar 10 2010 - 1:27pm by News Desk
Tweet
Pin It

burBartamaha(Kismaayo):-Maamulka Alshabaab Kismaayo ayaa ciidamo u diyaariyay badda si ay ula dagaalamaan Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya oo shalay meel ku dhow biyaha Kenya doon ka afduubtay.

Ciidamo la siiyay doonyo nuuca dheereeya ah ayaa la galiyay Xeebta Kismaayo si ay ula socdaal dhaqdhaqaaqa Xeebaha Gobolka Jubada Hoose oo laga baqanayo in Burcad Badeeda ay afduub ka geystaan. 

Ciidamada loo diyaariyay Xeebta Kismaayo ayaa waxa ay yihiin kuwa ay soo xuleen maamulka sare ee Alshabaab Kismaayo si ay u adkeeyaan ammaanka xeebaha deegaanada ay maamulana oo dhawan markab lagu afduubtay.

Howlgalkan ay samaynayaan Alshabaab ayaa waxa uu imaanayaa xilli Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu sheegay in Alshabaab ay gacan ka helaan Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya oo dhaqaalaha ay siiyaan Alshabaab dagaaladfa lagu sii huriyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.