Alshabaab iyo haweenka Muqdisho maxaa kala haysta (Karbaashka iga daa hooyadaa oo kalaan ahaye).

Posted on Oct 18 2009 - 3:41pm by News Desk
Tweet
Pin It

karbaashBartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho mar haddii aad joogto wax kaa yaabinaya ayaad aragtaa haddii lagaaga sheekeeyana kaba sii daran 6-Jir 60-Jir Karbaashaya.

Dhacdooyinka layaabka leh Ee Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay ku soo badanayay ayaa ah mid ay xaalada Caasimada dhalisay iyadoo ay soo bexeen dhalinyaro Imaam u ah Bulshada oo idil.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxay amaro lagu farayay haweenka in ay xertaan Xijaabka uu Allaah amray balse waxaa laga adeejiyay faritaanka Xijaabka iyo hirgalinta amarkaasi caruur aan shaqriga sidaa ku ahayn oo uu  Jaydalka ka soo horeeyo.

Isgoys ka mida Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday arin la yaab leh ka dib markii wiil da’diisu ahayd qiyastii 6-7-sano jir uu karbaash la dhacay Hooyo ku dhawaad 55-60-sano jir ahayd taasi oo uu ku amrayay in ay soo xerato Xijaabka goonada ka soosaysa ee qeybta hoose laga xerto.

Hooyada oo la xanuunsatay Karbaasha uu wiilka yar ku dhiftay ayaa ku dhawaaqday “Hooyadaa oo kalaan ahaye iga daa Karbaashka…Allaha ku cadaabee.. iyo Erayo kale”.

Dhacdooyinkan ayaa waxa ay noqdeen kuwa Magaalada Muqdisho ku soo noqnoqday iyadoo ay jiraan Odayaal laga jaray tinta ka dib markii lagu sheegay in ay food jarteen oo tintooda maqas si qaabdaran looga dhigay…

Isku soo duube lama oga ujeedada ka danbeysa dhaqmada nuucaasi oo kale ah kuwaasi oo ay ku dhaqaaqayaan caruur yaryar oo inta badan aan wadan hub balse kaalmeeya dhalinyarada hubaysan ee Xoogaga Islaamiyiinta ka tirsan.

Su’aasha dadweynaha isweydiinaya ayaa ah “Madaxda Xoogaga Islaamiga ah maka warhayaan qaab dhaqanka dhalinyarada ay hoggaanka u yihiin???”.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.