Bartamaha (Muqdisho):- Sargaal u hadlay Maleeshiyada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in askari ka tirsan ciidankooda uu gacantisa oo Hub la’aan ah uu ku dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Burundi.
Sida uu saxaafada u sheegay Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka Howlgalada Dagaalada Alshabaab ayaa waxa uu sheegay in askari Mujaahid ah uu dil u gaystay askari ka tirsanaa Ciidanka Burundi.
Afhayeenka Dagaalada Alshabaab Sheekh Abuu Muscab ayaa qadka Telfonka saxaafadaugu sheegay in askari ka tirsanaa Ciidanka Shabaab uu Feer iyo Looto uu ku dilay askari Burundi ah markii dusha sare uu uga yimid.
“Askari Mujaahid ah ayaa Feer iyo Looto ku dilay Askari Burundi ah…Alle waxa uu qadaray in askari Mujaahid ah uu gacantiisa oo aan hub ku jirin uu ku dilay askari u dhashay Burundi…Madaxa ayuu uga soio dagay qoorta ayu ka qabtay Looto iyo Feer ayuu nafta uga siibay Ilaahay fadligiisa waxaa kaloo naga baxsaday askari kale oo dhufayska kula jiray askariga la dilay……” ayuu Idaacadaha Muqdisho u sheegay ninkaasi shabaabka u qaabilsan dhanka warbahinta xiliyada dagaalada.
Sargaalka hadalkan ka soo yeerayay ayaa saxaafada kula hadlayay Telfon isagoo sheegayay in uu ku sugan yahay jiida hore ee dagaal ka socanayay shalay galab Degmada Boondheere Ee Woqooyiga Muqdisho.
Afhayeenka Howlgalka dagaalada ee Shabaab waxa sidoo kale sheegayin Ciidankooda ay qabsadeen shalay Gurigii Maxamed Dheere iyo agagaarka Taaladii Daljirka Daahsoon Ee Degmada Boondheere.
Hadalka ninkan ka soo yeeray ayaa imaanaya xilli Alshabaab maalin ka hor ay ku jabeen dagaal ka dhacay Degmada Hodon iyagoo shalay dagaalka u weeciyay xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
masha Allah alaha u siyaadiyo wa faraxad wixii galada dhibkeeda
MUJAAHIDKAAN WAA QORANYAHAY,OO HOOLYWOOD AYAA U BAAHAN.
see camal filin ajanti miyaaa .xoog badna askariga alshabab ….filinka magacis noo sheg bal walaal an iska ogaane mida kale ..wariyaha muxu manta dhan ugu so celcelinaya .askariga aya laat iyo feer kudilay .askariga burundiga ah ..waxas dhan cabsi ma kakeentay mise kkkkkkkkkkkkkkkk NACALA ALSHABAB IYO KUWA DAWA SOCDA KUTAAL
Anigu waxan layabanay Al-shabab oo malin kasta iska fanaya saxafadana wareeraa lakin beenta dhafa ayan leyahay
Allah Akabra !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! May Allah protect our brother from the evil and reward him immediately Inshallah . FUCKING African so call soldiers came to our country to destroye our homes ,rape,our sisters ,and fight our brothers. they need to learn a real lesson when they died like dogs in streets of Mugdishu.