Al-shabaab oo Mamnuucday dhageesiga iyo Baahinta Idaacadaha kalla ah BBC iyo VOA.

Posted on Apr 9 2010 - 1:39pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

show_image_NpAdvSinglePhoto.php

Bartamaha (Muqdisho):-Bayaan ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Kooxda Shabaab ayaa lagu mamnuucay dhegeysiga idaacada BBC-da qeybaheeda kala duwan, iyadoo lagu amray idaacadaha FM-ka ee baahiya BBC-da iyo VOA inay soo afjaraan baahinta idaacadahaasi.

Bayaanka Kooxda Al-shabaab ay soo saarana halkan ka aqriso.

laga bilaabo maanta dhamaan FM-yada BBCda ee ka shaqeeya gudaha Wilaayaatka Islaamiga ah hawada ayaa laga saarayaa, wixii qalab ah oo ay leedahayna waa lala wareegayaa.

Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gaaray go’aankan kadib markii si qoto dheer leh loogu kuur galay arimahan:

• Idaacada BBCda oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Ingiriiska islamarkaana ah codka koowaad ee qaabilsan fulinta ajandaha gumeysiga Saliibiga ee ku aadan dunida Muslimka.
• Dagaalka xoogan ee BBCdu kaga soo horjeedo Islaamka iyo Muslimiinta, iyo u ololeynteeda inaan maamul Islaami ah ka hanaqaadin dalka Soomaaliya.
• Waxyeelada ay sababeen wararka iyo warbixinnada ay baahineyso ee xaqiiqada ka fog iyo buunbuuninta fikradaha saliibiyiinta reer galbeedka kuwaas oo qeyb ka ah jahwareerinta shacabka muslimka ah.
• Ku dhiiranaanshaha faafinta erayo aflagaada ah oo ka dhan ah mujaahidiinta, iyo hurinta colaadaha saameeyay dadka Soomaaliyeed.
• BBCda oo barobagaando u samaysa dowlada riddada iyo hay’adaha saliibiga ah.

Sidaa daraadeed waxaa xaqiiqa ah in la joogo xilligii ugu munaasabsanaa ee la soo afjarilahaa hawlaha BBCda si looga bogsado dhaawacyadii fikradeed ee ay u geysatey Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, islamarkaana loo heli lahaa aragtiyo ka madax bannaan kuwa saliibiga ah kuna dhisan mabaadi’da Islaamka.

Ugu dambeyntii waxaa shabakadaha warbaahinta ee qandaraaska kula jira hay’adaha BBC iyo VOA lagu wargelinayaa in wixii maanta laga bilaabo ay soo afjaraan qandaraaska ay ku tebiyaan wararkooda.

Xafiiska Warfaafinta

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

Al Shabaab ayaa sanadkan bilawgiisii dadweynaha reer Muqdisho uga digtay dhegeysiga Radio Muqdisho oo ku hadla codka dowlada ku meel gaarka Soomaaliya, hase yeeshee amarkaasi ayaa dhaqangeli waayey.

Lama oga sida go’aankan uu u dhaqangeli doono, wallow idaacadaha Muqdisho ee baahiya BBC-da iyo VOA oo ka hawlgala degaanada ay Shabaab maamusho ay ku qasban yihiin inay fuliyaan amarka kooxdan.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

[email protected]

Xafiiska wararka Bartamaha ee Nairobi,Kenya