Al Shabaab oo Beenisay inay u Hanjabtay Kenya

Posted on Jan 22 2010 - 4:03pm by News Desk
Tweet
Pin It

shabaab fardoBartamaha (Muqdisho) — War ka soo baxay ururka Al Shabaab ayaa lagu beeniyey inay hanjabaad u direen dhowaan dowlada Kenya, taasi oo ku saabsanayd inay soo furan doonaan wadaad u dhashey dalka Jamaica oo ku xiran Kenya.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Ragee ayaa sheegay inuusan jirin wax hanajabaad ah oo ay u direen Kenya taasi oo la xiriirta wadaadka reer Jamaica ee ay Kenya la dooneyso musaafurinta.

Beeninta Al Shabaab ayaa ka dambeysay ka dib markii maalintii shaley wakaalada wararka Reuters ay qortay war ku saabsan in xubno ka tirsan Al Shabaab ay ku hanjabeen inay xoog ku soo furan doonaan wadaadka reer Jamaica ee dhowaan muranku ka dhashay kaasi oo hadda gacanta ugu jira Kenya.

Warkaasi waxaa sida la sheegay laga sooxigtay barta interntka ee Al Qimmah, taasi oo hadda saraakiisha Al Shabaab diideen inay afkooda ku hadasho.

Beeninta kooxda Al Shabaab waxay soo baxaday iyadoo dowlada Kenya ay mudaaharaadyadii ka dhacay Nairobi toddobaadkii hore ku eedeysay inay ku lug lahayd Al Shabaab, waxaana mudaharaadyadaasi oo rabshado watay lagu diidanaa musaafurinta wadaadka reer Jamaica kaasi oo dowlada Kenya ay ku eedeysay inuu si sharci darro ah dalkeeda uga waday khudbado kicin ah.

_____

Bartamaha Muqdisho