Ahlu sunnah Wal-Jamaca oo qabqatay rag doonayay fulinta qarax Degmada Doolow.

Posted on Dec 27 2009 - 11:20am by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu sunaahBartamaha(Doolow):-Ciidamada aHLU Sunnah Wal-Jamaaca ayaa qabtay rag doonayay in ay qaraxyo ka sameeyaan Degmada Doolow Gobolka Gedo halkaasi oo dhawaanahan howlgalo laga waday.

Ilaa iyo 4 qofood ayay gacanta ku soo dhigeen maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee koofurta Soomaaliya ka dib markii 4 taasi qof ay damacsanaayeen in ay qarxiyaan mas`uuliyiin ka tiran maamulkaasi ee Ahlusunna ee gobolkaasi Gedo.

Sheekh Xasan C/laahi oo ah Afayaheenka maamulka AhluSunna Waljamaaca ee koofurta Soomaaliya oo saxaafadda la hadlayay waxa uu tibaaxay in sedaxdii Maalin ee ugu dambeysay ay gacanta ku soo dhigeen 4 qof oo ay ku eedeeyeen in ay qaraxyo ka geysan rabeen Degmada Doolow ee Gobolkaasi Gedo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, sheekhu waxa uu kale uu carbaabay in 4 qof ay dhibaato u geysan rabeen mashaa’iqda Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan gobolka Gedo isagoona carabka ku dhiftay in maalmaha nagu soo aadan ay maxkamadeyn doonaan 4 taasi qofood ee Maamulku uu ku soo eedeeyay in ay qaraxyo ka geysan rabeen degmada Doolow ee gobolka Gedo. 

Sikastaba ha`ahaatee, tani ayaa waxa ay noqoneysaa markii markii ugu horeeysay ee mas`uuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee koofurta Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in ay soo xir xiraan kooxo damacsan in ay qarax la eegtaan mas`uuliyiinta Ahlu-sunna waljamaaca ee gobolkaasi Gedo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.