Bartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu-Sunnah ayaa shaaca ka qaaday in gobolada dhexe ay ka soo nadiifisay Xarakada Alshabaab oo halkaasi dagaalo kula gashay Kooxdaasi.
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mida Saraakiisha Ahlu-sunnah waljamaaca ayaa shaaca ka qaaday in dagaaladii ay kula jireen Kooxda Alshabaab ay ka soo afjareen gobolada dhexe.
Sargaalkaasi ayaa waxa uu ku faanay in dhammaan deegaanada Gobolada dhexe haatan ay ka taliyaan Culimada Ahlu-sunnah islamarkaana aanay jirin cid taageera u ah Alshabaab oo ku sugan gobolka.
Ahlu-sunnah ayaa sheegatay in Xaafadaha iyo degmooyinka kala duwan ee gobolada dhexe ay joogaan Ahlu-sunnah Ciidamadooda islamrkaana ay adkeeyeen ammaanka guud ee deegaanadaasi.
Hadalka Sargaalkaasi ayaa waxa uu ku soo biya shubtay in ay dagaaladii ay la galeen Kooxda Alshabaab uu ahaa mid lagu koryeelayay Kitaabka Allaah nabada deegaanadaasina lagu adkaynayay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.