Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo ka warbixisay la wareegitaankii kooxdooda Degmada Ceel-Dheere Ee Gobolka Gal-gaduud.

Posted on Aug 12 2009 - 7:26am by News Desk
Tweet
Pin It

ahlusuna12Bartamaha(Ceel Dheer):-Kooxda Ahlu suna Wal-Jamaaca ayaa faah-faahin ka bixisay la wareegitaankii Ciidamadooda Ee Degmada Ceel-dheer Ee Bariga Gobolka Gal-gaduud.

Afhayeenka Ahlu sunnah Waljamaaca Sheekh C/risaaq Ashcari oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in kooxdooda ay si nabad ah ku gaareen Deegaankaasi oo uu sheegay in shacabka dagan ay ku soo dhaweeyeen halkaasi.

Sheekh Ashcari ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay dhibaato ka abaabuleysay Deegaankaasi islamarkaana ay ka hortageen ciidamo dhawaan tababar loogu soo gababgabeeyay Gobolka.

Afhayeenka ayaa waxa uu si kulul u weeraray siyaasada Kooxda Al-shabaab isagoo sheegay in ay wadaan abaabulo ay nabada deegaanada dagan ay wax ugu dhimayaan taasi oo uu sheegay in ay qeyb ka tahay tagitaankii alshabaab Ee Deegaanka Ceeldheer.

Wadaadkaasi ayaa sheegay in magaca kooxda Alshabaab loogu yeero aanu ahayn mid diin ka tarjumaya isagoo dhaliil u jeediyay warbaahinta oo uu tilmaamay in ay suuqa u galiyeel Almujaahidiin taasi oo uu sharci daro ku tilmaamay.

Xaalada Deegaanka Ceeldheer ayaa waxa ay tahay haatan mid xasiloon iyadoo aanay jirin wax xiisad ah oo halkaasi ka taagan iyadoo deegaanka ay ku suganyihiin Ciidamada Kooxda Ahlu sunnah wal-jamaaca.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.