Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo ka warbixisay dagaaladii ay Deegaanka Gal-Cad kula galeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.

Posted on Aug 16 2009 - 5:26am by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu sBartamaha (Gal-gaduud):- Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca ayaa shaaca ka qaaday in guula ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay Deegaanka Gal-cag Ee Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo ay soo weerareen Ciidamad Alshabaab.

Afhayeenka Ahlu-sunnah Wal-Jamaaca Sheekh Abuu-Yuusuf Al-qaadi  ayaa sheegay in dagaalada deegaanka Gal-cad ka dhacay ay guula ka gaareen Ciidamada Kooxda Ahlu sunnah oo haatan gacantooda dib ugu soo celiyay Deegaankaasi.

Sheekh Yuusuf Abu Al-qaadi oo Xalay saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dagaaladaasi ay ahaayeen kuwa ay ku soo qaadeen deegaanadooda kooxda Alshabaab .

Afhayeenka ayaa sheegay in ay arkeen maydadka 80-ka mida Ciidamada Alshabaab oo qaarkood madaxyadooda la jaray lana qaatay sida uu hadalka ugu shegay Saxaafada Afhayeenkaasi isagoo tilmaamay in laga saaray dhammaan deegaanadaasi kooxda Alshabaab.

Hadalkan ka soo baxay Afhayeenka Kooxda Ahlu-sunnah wal-jamaaca ayaa imaanaya xilli dhawaan Ciidamada Alshabaab ay la wareegeen Deegaanka Gal-cad halkaasi oo markii danbe ay isaga bexeen sida uu horeyba u sheegay Afhayeenka Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.