Ahlu Sunnah oo maamul u dhistay Xeraale.

Posted on Aug 12 2010 - 9:04am by News Desk
Tweet
Pin It

6198Bartamaha (Xeraale):- Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa markii ugu horayay maamul u dhistay Deegaanka Xeraale oo haatan soo galay gacantooda.

Waxaa hirgalay qorshe ay wateen Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo ay maamuladooda ugu fidinayeen Deegaano badan oo ka mida Gobolada Dhexe Ee Dalka.

Degmada Xeraale oo dhacda Gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horaysay laga dhisay maamul raacsan kooxda ahlu sunnah Wal Jamaaca ka dib markii odaaasha deegaanka ay dabadeen maamulkaasi.

Xeraale oo marar badan dagaal beeleed uu ka dhacay ayaa waxaa haatan loo dhisay maamul toos ula shaqeynaya Ahlu sunnah wal Jamaaca oo muddo doonayay maamul u samaynta deegaankaasi.

Madaxa Arimaha Gudaha Ahlu sunnah Wal Jamaaca Sheekh Mursal C/raxmaan Axmed ayaa ka hadlay qaabka maamulka loo dhisay isagoo balan qaaday in ay dhisi doonaan maamulo kale.

Masuulkan waxa uu balan qaaday in ay maamul u dhisayaan deegaano badan oo ka mida Goolada dhexe ee dalka iyo deegaana badan oo haatan ay ahlu sunnah la wareegi doonto.

Ahlu sunnah ayaa xustay in maamlka ay u sameeyeen Xeraale uu fur u yahay maamulo badan oo haatan ay u dhisi doonaan Deegaanada Gobolada dhexe Ee Dalka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.