Ahlu Sunnah oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Islaamiyiinta Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Posted on Feb 20 2010 - 4:49am by News Desk
Tweet
Pin It

ahBartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu Sunnah ayaa ku dhawaaqday dagaal dalka looga saarayo Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islama oo ay ka bilaabayso GFobolada Soomaaliya.

Afhayeenka Kooxda Ahlu Sunnah Wal Jamaaca Sheekh Abuu Yuusuf Al-Qaadi oo saxaafada la hadlayay ayaa wax a uu sheegay in ay diyaariyeen ciidamo dagaal la gala Kooxahaasi.

Sheekh C/laahi Abuu Yuusuf Al-Qaadi  waxa uu xusay in dagaal xoogan ay mare kaliya ka bilaabayaan Gobolada ay ka taliyaan Kooxda Alshabaab oo uu sheegay in ay ka awood roontahay Xizbul Islaam.

Abuu Yuusuf Al-Qaadi ayaa  ku hanjabay dagaalkii ugu danbeeyay oo dalka looga sifaynayo Alshabaab isagoo sheegay in ay dhawaan bilaabayaan dagaalkaasi si shacabka ay uga dulqaadaan dhibaatada.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in dagaalada xiliyadii ugu danbeeyay ay kula galeen Alshabaab Gobolada dhexe ay jab iyo halaag kala kulmeen dhawaana ay sii saarayaan Gobolada kale.

Dagaalka ay iclaamisay Ahlu sunnah ayaa imaanaya xilli Dowlada KMG ah ay dhankeeda ku dhawaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo ay dalka uga tirtirayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.