Ahlu sunnah iyo shabaab oo ku dagaalamaya Galgaduud.

Posted on Nov 21 2010 - 10:17am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaal_culudBartamaha (Guri-Ceel):- Waxaa maalintii Labaad deegaano ka mida Gobolka Galgaduud ka holcaya dagaal xoog badan oo u dhexeeya Alshabaab iyo Ahlu sunnah.

Dagaalka saaka socanaya ayaa waxa uu yahay mid Ahlu sunnah ay dhankeeda qaaday sida ay cadeeyeen saraakiil ahlu sunnah u hadlay.

Dhawaqa madaafiic iyo rasaas culus ayaa laga maqalayaa dhul duleedka uga beegan degmada Guri-Ceel oo saacada ka hor qarka u sarantay in alshabaab ay qabsato.

Gudoomiyaha Ahlu sunnah Guri Ceel Sheekh Cismaan Ciise Nuur oo saxaafada la hadlayay ayaa daaha ka qaaday in ay dib u celiyeen duulaankii Alshabaab.

Masuulkan ayaa cadeeyay in shabaabka ay shalay illaa xalay haysteen wadooyinka laga soo galo Guri Ceel balse saaka laga saaray dhulkaasi sida uu saxaafada u sheegay masuulkaasi.

Xaalada Gobolka Galgaduud ayaa weli la soo sheegayaa in ay tahay mid aad u qasan waxaana laga baqanayaa in Alshabaab iyo Ahlu sunnah dagaalkooda uu daba dheeraado.

Duulaanka alshabaab ayaa waxaa saacadihii hore ee shalay uu ka bilowday deegaanka Ceel guud oo dhaca bariga Guri Ceel halkaasi oo dagaal qaraar ka dib ay qabsatay alshabaab.

Weli ma jirto cid ka madax banan labada dhinac oo xaqiijin karta xaalka sida uu yahay iyo qasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay bilowday ee illaa maanta ka socanaya Galgaduud.

Wixii faahfaahina dheeraad ah Bartamaha .Com ayaa kuu soio gudbinaya Insha allaah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

.