Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu sunah Wal Jamaaca ayaa si cad shaaca uga qaaday in uu burburay heshiiskii ay la gashay Dowlada KMG ah kaasi oo fuli waayay.
Gudoomiyaha kooxda Ahlu sunnah Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo saxaafada la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay ka bexeen heshiiskii ay la galeen Dowlada.
Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa shaaciyay in si toos ah uu u burburay heshiiska Ahlu sunnah iyo Dowlada u dhexeeyay kaasi oo kol hore lagu kala sixiixday Magaalada Addis Ababa.
Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ku daray in Ahlu sunnah aanay matalin Kooxo magaca sheeganaya oo haatan la doonayo in lo magacaabo jagooyinkii ay dalbadeen Madaxda Culimada Ahlu sunnah.
“Heshiiskii aan la galnay Dowlada waa Burburay … anaga nagama tirsana rag Hogaamiyayaal Kooxeedya ah oo hadda ku sugan madaxtooyada kuwaasi oo aan matalin Culimada Ahlu sunnah…†ayuu yiri wadaadkaasi.
Ahlu sunnah ayaa shaacisay in aanay dhankooda masuul ka ahayn Burburka Heshiiska waxa ayna sheegeen in heshiiskaasi uu ka fuli waayay dhanka Madaxda Dowlada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.