Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo xalay Bandow ku soo rogtay Deegaanka Cabud-Waaq Ee Gobolkaasi Gal-Gaduud.

Posted on Jun 26 2009 - 7:27am by News Desk
Tweet
Pin It

ahu-sunha1Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo gacan ku haynta Deegaanka Caabud-Waaq si rasmi ah ula waregtay dhawaan ayaa xalay waxa ay si rasmi ah Bandow u saartay Deegaankaasi.

Bandowga ayaa dadka Deegaankaasi lagu wargaliyay shalay galinkii danbe iyadoo loogu sheegay gawaari ay ku rakibanyihiin Cod baahiyayaal oo dadka Deegaankaasi u sheegayay in ay xaroodaan xilli hore oo Habeenkii ah isla mar’ahaantaana ay magaaladu Bandow tahay. 

Bandowga ayaa xalay abaara 9-kii Fidnimo waxa uu ka dhaqan galay Degaankaasi iyadoo ay guud ahaan wadooyinka ay gaaf wareegayeen Ciidamada kooxda Ahlu sunnah.

Ma jirin cid dhaqdhaqaaq samaynaysay xalay fiidkii hore iyadoo dadka ay bilaabeen xilli hore in ay isaga xaroodaan guryahooda iyagoo shakii balaaran ka qabay bandowga lagu soo rogay Deegaanka Caabud-Waaq.

Waa markii ugu horeysay ee bandow ceenkani oo kala ah ay kooxdaasi ku soo rogto Caabud-Waaq iyadoo ay dhawaan dhaqdhaqaaqyo ammaanka wax looga qabanayo ay wadeen Maleeshiyaadka ahlu –Sunnah wal-Jamaaca ee deegaankaasi ku sugnayd.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.