Bartamaha (Nairobi):-Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in goor dhoweyd booliska Addis Ababa ay xayiraad ku soo rogeen afhayeenkii Ahlu Sunna ee Europe Maxamed Xuseen Awliyo.
Afhayeenka ayaa sida la sheegay lagu xanibay hotelkiisa ka dib markii uu isku dayey inuu ka qeybgalo xaflada ay heshiis ku wada saxiixayaan dowlada ku meel gaarka iyo ururka Ahlu Sunna.
“Maxamed Xuseen Awliyo ayaa deganaa hotelka Hilton ee bartamaha magaalada Addis Ababa, waxaana lagu wargeliyey inuusan hotelka ka soo bixin, mana garaneyno sababtaâ€, ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha Ahlu Sunna uga qeybgalaya shirkan maanta heshiiska lagu saxiixayo oo magaciisa ka gaabsaday.
Afhayeenka Awliyo ayaa ka mid ahaa xubnaha Ahlu Sunna ee ka yimid dalka Britain oo uu deganaa.
Masuuliyiinta dowlada iyo Ahlu Sunna ee ka qeybgalaya xaflada ayaan ka hadlin xayiraada Awliyo iyo sababaha dhaliyey.
Waxayna ku soo beegmeysaa xilli dhowaanahan ay soo baxayeen khilaaf u dhexeeya Ahlu Sunna dhexdeeda oo isku maandhaafsan heshiiska lala galayo dowlada ku meel gaarka ah.
Dhinaca kale waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay xaflada heshiiska lagu saxiixayo oo ay goob joog ka yihiin saraakiil sare oo ka tirsan dowlada iyo Ahlu Sunna.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska bartamaha ee Nairobi-Kenya