Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Gobolad Jubooyinka oo maanta ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray ra’iisul wasaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Posted on Oct 25 2009 - 2:40pm by News Desk
Tweet
Pin It

kismaayo

Bartamaha(Kismayo):- Shir jara’id oo uu maanta madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee Gobollad Jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali ku qabtay Xafiiskiisa Degmada kismaayo ayuu kaga jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray raysul wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmake ee uu ku sheegay in dowladu la wareegi doonto goobaha ay ka arimiyaan xoogaga islaamiyiinta ee kasoo horjeeda.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa hadalka raysul wasaraha ku tilmaamay in uu yahay mid wax kama jiran ah islamarkaasina dowlada Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay talaabo qaado isagoo sheegan in dowladu waqti xaadirkan ku sugantahay goobo cayiman oo uu sheegay in ay ku ilaaliyaan ciidamo uu ku tilmaamay in ay yihiin cadowga islaamka kuwaas oo uu ula jeedo Ciidamad AMISOM ee ku sugan wadanka Soomaaliya.

dhanka kale sheekh xasan yacquub cali madaxa warfaafinta wilaayada islamiga ah ee gobolada jubooyinka ayaa digniino u diray dowladah Kenya iyo jabuuti oo uu sheegay in ay faragalin ku hayaan islamarkaasina ay maleegayaan qorsheyaal uu sheegay in ay ka danbeeyaan dowlado doonaya in ay burburiyaan Nidaamka islaamka ah ee ka hanaqaaday buu yiri Wadanka Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxa warfaafinta maamulka kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa kusoo beegmaya iyadoo siweyn loo hadl hayo in gudaha wadanka kenya lagu tababarayo ciidamo ay leedahay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya taa oo ay qireen qaar kamid ah masuuliyiinta Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Wararka Xaqiiqda ah kala Soco Bartamah.com