Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Ciidamada Militariga Dowlada Fd Soomaaliya Farxaan Carsaanyo  ayaa si kulul u beeniyay in shalay ay dagaalo dhexmareen Ciidamada Dowlada dhexdooda.
Farxaan Carsaanyo ayaa tilmaamay in ay jireen isku dhac ama isfahamdaro soo kala dhexgashay Ciidamada dowlada dhexdoda balse aanay waxba ka jirin dagaal labada Ciidan si toos ah u dhexmaray.
“Ma jiro wax dagaal ah oo dhexmaray Ciidamadeena balse kala shaki waa uu dhashaa xiliyada qaar ,ma jiro wax dagaal ama dilal ay Ciidanka dowlada iskula dhaqaaqaan,khilaaf ama isfahamdaro shalay waa ay jirtay balse rasaas ayay hawada iskugu rideen ciidamada hadalka isku khilaafayâ€ayuu yiri Carsaanyo.
Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada Militariga dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya xilli shalay dagaal qaraar uu ka dhacay wadada u dhexeysa Isgoysyada Banaadir iyo Zoobe Ee Muqdisho.
Xaalada goobta ay xalay xiisada ay ka taagnayd Ee isgoysyada Zoobe ayaa maanta caadi ku soo laabatay iyadoo la sheegay in la kala dhexgalay Ciidamada Maxkamadaha Dowlada raacsan iyo kuwa G/Xigeenka G/Banaadir shaaweeye oo halkaasi shalay ku dagaalamay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â