Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Amiirka Alshabaab shalay ka soo yeeray.

Posted on Jul 7 2009 - 9:02am by News Desk
Tweet
Pin It

sh.qeylow

Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh C/risaaq Maxamed Qaylow oo ah sii hayaha xilka afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha ayaa jawaab kulul ka bixiyay fariintii uu u diray Ciidamada Dowlada Amiirka Xarakada Alshabaab taasi oo uu ku sheegay mid lagu qoslo jawaabna aan mudnayn.

Sheekh C/risaaq Qaylow ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay Amiirka Alshabaab uu ahaa mid aan wax shaqa ah ku lahayn diinta islaamka isla mar’ahaantaana cid waliba ay ka dheehan karta aqoonyarida xagga diinta ee haysatay amiirka Alshabaab sida uu sheegay sargaalkaasi maxkamadaha ka mid ah.
Sargaalkaasi ah afhayeenka KMG ah ayaa sidoo kale ku tilmaamay aayadaha Qur’aanka uu soo daliishaday Madaxaha kooxda Alshabaab kuwa aan shaqa ku lahayd sida uu u fasiranayay taasi oo uu ku sheegay mid ay dhammaan koxdaasi ka midaysan yihiin.

Ninkaasi Madaxda ka ah kooxda Khawaarijta waxa uu caruurta soomaaliyeed ka dhaadhiciyaa in ay janno galayaan isagoo u daliishada Nusuus aan ku saabsanayn jihaadka isagoo riddo ku tilmaama cid waliba oo ka soo hor’jeesata fekerkiisa iyo midka ragga ay wada shaqeeyaan”ayuu yiri C/risaaq Qaylow oo ah sii hayaha xilka adhayeenka ciidamada maxkamadaha dowlada ku biiray.

Qaylow ayaa codsi u diray dhammaan waalidiinta soomaaliyeed in caruurtooda ay ka ceshadaan dagaalada iyo la shaqeynta kooxda uu isaga u yaqaano Khawaarijta isagoo ku tilmaamay in hoggaanka alshabaab ay yihiin kuwa dhinac maray Culimada Soomaaliyeed iyo Odayaasha Dhaqanka isla mar’ahaantaana u jeediyay digniin.

Hadalada ka soo kala baxaya kooxaha siyaasada isku diiday ee Dowlada Fd Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka ayaa dadka soomaaliyeed waxaa dhagahooda ku batay ereayo xukunkooda xagga diinta uu aad u adagyahay kuwaasi oo kala ah Khawaarijta oo dowlada ay ugu yeerto Xoogaga Alshabaab halka Alshabaab ay dhankooda u yaqaanaan dadka la shaqeeya dowlada kuwa Ridda ah ama diinta ka laabtay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.