Bartahamaha (Muqdisho) Brighye Bohuko Afhayeenka Ciidmadama AMISOMÂ oo ka hadlayay eedeynta ka qeyb-galka dagaalada ka dhacay Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay haystaan ogolaansho ah in ay tagi karaan dhammaan gobolada dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa shegay in aanay ciidamadooda qasab ku ahayn ilaalinta Airport-ka Muqdisho ,Dakadda, iyo Madaxtooyada balse ay u fasax haystaan garitaanka dhammaan Gobolada dalka soomaaliya isla mar’ahaanataana ay awood u leeyhiin.
Bohuko oo ayaa sheegay in ay haystaan ogolaansho caalami ah oo ay ku tagi karaan magaalooyinka Kismaayo,Baydhabo iyo deegaano kale oo ay joogaan islaamiyiinta aan nabadda ogolayn sida uu sheegay.
Sargaalkaasi ka mida Ciidamada Amisom ayaa sheegay in ay dhawaan tagi doonaan dhammaan deegaanada ay ku suganyihiin Islaamiyiinta haddii ay dareemaan Qatar ka imaanaysa kooxahaasi.
Hadalkan ka soo yeeray afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa imaanaya xilli dagaalo qaraar oo shalay ka dhacay Muqdisho la xaqiijiyay in Ciidamada Amiosm ay ka qeyb-galeen balse taasi uu hadalo is khilaafsan uu ka soo saaray Afhayeenka Amisom Buhuko.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.