Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Maleeshiyada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii Labaad shirqool cad u dhigay Suxufiyiinta ku shaqeeya dhulka ay ka taliyaan.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali dheere†afhayeenka Kooxda Alshabaab ayaa ku dheeraday shirqoolka Suxufiyiinta ku shaqeeya Suuqa Bakaaraha.
Cali dheere ayaa la xaqiijiyay in shalay uu gaari u soo diray Wariyayaasha ku sugan Suuqa Bakaaraha isagoo faray in ay soo raacaan gaarigaasi si loo geeyo goobo ay la wareegeen maleeshiyaadka Shabaab.
Suxufiyiin gaaraya 8-saxafi oo ka shaqeeya Idaacadaha iyo Telfishinada ku yaala dhulka ay maleeshiyada maamulaan ayaa u hogaansamay amarka Cali dheere kuwaasi oo gaaray Xafado dagaal uu ka dhacayay.
Wariyayaasha ayaa xilli ay duubanayeen hadal uu u jeedinayay Afhayeenka Alshabaab waxaa ku soo habsaday Madfac ka soo dhacay dhanka Dowlada maadaama xiligaasi dagaal uu socanayay.
Dhammaan wariyayaashii ayaa halkaasi dhaawacyo kala duwan uu gaarsiiyay madfacii ku dhacay dhismaha gaadiidka Booliiska oo au ku dhex sugnaayeen halkaasi oo aan lahayn wax gabaad ah oo la galo.
Dhowr iyo Tobad madfac ayaa goobtaasi ku soo dhacay waxaana dhimasho iyo dhaawac kala duwan uu soo gaaray saraakiil iyoMaleeshiyaad Shabaab ah oo gaadiidka Booliiska ku dhex sugnaa.
Muddo ka dib ayaa la sheegay in goobtaasi laga qaaday dhaawacyada Saraakiisha iyo Askarta iyadoo markaasi ka dib la sii qaaday wariyayaashii dhaawacyada uu ka soo gaaray madfaca taasi oo ka dhigan in aan xil gaar ah la iska saarin qasaaraha soo gaaray saxafiyiinta.
Sanadii la soo dhaafay bishii April ayaa la xasuustaa in qasaara dhaawac u badan uu soo gaaray wariyayaal uu u yeertay Cali dheere xilli ay warkiisa ku duubanayeen xaafada Gubta halkaasi oo madfac Hoobiya ah uu kula dhacay wariyayaashaasi.
Inta badan Maleeshiyaadka Shabaabka iyo raga u qaabilsan dhanka Warbaahinta ayaa waxa ay saxafiyiinta ugu ribeeyaan in ay dilayaan xiliyada ay ka yara dhaga adeegaan baahinta wararka u janjeera dhankooda taasi oo aanu dhigaynin sharciga Saxaafada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.