Afhayeenka Ahlu-sunnah Wal-Jamaaca oo ka hadlay qarax xalay ka dhacay deegaanka Guri-Ceel.

Posted on Sep 9 2009 - 3:00pm by News Desk
Tweet
Pin It
« PREVIOUS
|
NEXT »

ahlu sunaahBartamaha(Guri-Ceel):-Afhayeenka Kooxda Ahlu-Sunnah wal-Jamaaca ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii xalay lagu weeraray Ciidamadooda aanu wax dhibaata ah u geysan Ciidamada Maamulkoda.

Afhayeenka Kooxda Ahlu-Sunnah Sheekh C/laahi Abul-qaadi oo ka hadlayay qarax xalay ka dhacay gudaha Deegaanka Guri-ceel ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi ay ka danb eeyeen kooxo nabada cadow ku ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bamka gacanta kaasi oo uu sheegay in laga soo tooray goob shaliga ka fog islamarkaana uu ku dhacxay meel banaan ah oo aanay cidi joogin.

Sheekh Yuusuf Abul-qaadi ayaa masuuliyada weerarada dusha ka saaray kooxo qaswadayaal ah oo deegaankaasi ku soo dulay sida uu hadalka u dhigay islamarkaana ay shacabka deegfaanadaasi ay iska cabin doonaan.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.