Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenkan u hadlay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha Major Feliz Kulayigye ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan dalka Soomaaliya ka her-galindoonaan Idaacad FM-ah oo ku hadasha afka Dowlada MKG ah Ee Soomaaliya.
Major Feliz Kulayigye oo xilli uu ku sugnaa Magaalada Kampala la hadlayay wargays ku yaala halkaasi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay culays ka heysto dhanka warbahinta isagoo sheegay in dhawaan ay Muqdisho ka hergalindoonaan Idaacad FM ah oo ka hadasha arimaha dalka soomaliya.
Masuulkaasi ka mida Ciidamada Nabad ilaalinta Ee Amisom ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ay Idaacadaasi ka hadli doonto arimaha Bulshada,Siyaasada Dalka iyo dowlada intaba isagoo daboolka ka qaaday in ay baahin doonto wararka iyo qaab dhaqanka kooxaha ka soo horjeeda nabadda.
Sargaalkaasi u hadlay ciidamada Ugandha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xiliga ugu dhaqsiga badan ay furayaan idaacadaasi si afka lagula dagaalamo kooxaha aan nabadda jeclayn ee soomaaliya xiligan dagaalada ka qada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â