Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur Amiir ku xigeenka Alshabaab ayaa ka soo bogsaday dhaawac halis ah oo horay soo gaaray.
Muddo ka dib waxaa nolol lagu arkay Abuu Mansuur oo la hadal haayay in uu yahay Naafo ku naafoobay dhaawac culus oo ka soo gaaray dhabarka muddo haatan laga joogo Bil.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah ku xigeenka Abuu Subayr ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ahaa xilli uu kormeer ahaan u joogay dagaal ka dhacay Degmada C.Casiis.
Abuu Mansuur ayaa shalay lagu arkay Woqooyiga Magaalada Muqdisho xilli uu ka qeybgalayay hurinta dagaal shalay ka dhacay xaafadaha Shibis iyo C.Casiis.
Ammiir ku xigeenka Maleeshiyada Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ahaa nin laga dareemayo dhaawacii soo gaaray balse waxa uu ahaa mid ku socanayay Lugihiisa sida uu www.Bartamaha.Com u sheegay Suxafi arkay Abuu Mansuur.
Roobow ayaa ah sargaaal inta badan ku dhex jira Maleeshiyada yaryar ee Alshabaab isagoo u sheega in ay yihiin kuwa guulaysanaya isagoo ah sargaalka kaliya ee gaaara furimaha dagaalada ay kasocanayaan.
Wax war ah horay ugama soo saarin dhaawac xagga dhabarka ka soo gaaray Abuu Mansuur balse waxa uu haatan yahay nin weli nool oo ku dhex jira Maleeshiyada dagaalada ka qeybgalaysa ee Alshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.