Abaabul dagaal oo laga dareemayo qeybo ka mida Gobolka Hiiraan iyo Ahlu sunnah oo ku soo dhawaatay deegaanka Matabaan.

Posted on Dec 17 2009 - 7:48am by News Desk
Tweet
Pin It

ciidBartamaha(Balad-Weyne):-Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dagaal laga cabsi qabo9 in uu ka bilowdo gobolka Hiiraan iyadoo Ciidamo xoogan oo Dowlada ka socda ay soo buuxiyeen Kala-Bayr.

Wararka soo gaaraya Xafiiska Warqabadka  www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in Ciidamo xoogan oo Dowlada ah ay soo buuxiyeen degaanka Kala-Bayr Ee Gobolka Hiiraan kuwaasi oo iskaashi la leh Ethiopia.

Dhanka Kale deegaanka Matabaan Ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku soo siqay Ciidamada Kooxda Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca oo doonaya in ay gudaha u galaan deegbaankaasi oo ay joogaan Kooxda Xizbul Islaam.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidaka Dadweynaha ay diideen in Deegaanka Matabaan ay dhexmaraan Koopxda Ahlu Sunnah iyagoo sheegay in lacago baad ah ay qaataan Xizbul Islaam.

Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxaa deegaanka Matabaan u taala goob isbaara ah oo ay lacago culus gaadiidka uga qaataan gudaha Deegaankaasi Matabaan taasi oo ay Ahlu sunnah diidantahay.

Lama yaqaan Xaalada Hiiraan waxa ay ku danbayn doonto iyadoo xilli waliba lacaga cabsi qabo dagaal laba dhinac ah oo ka dhaca Gobolkaasi gaar ahaan abaabulka ay wadaan Dowlada iyo Ahlu sunnah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.