Bartamaha (Nairobi):- Kooxda Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee ay da’doodu ka yartay 17 ayaa u gudbay wareega labaad ee is reebreebka CAF ka dib markii ebar iyo ebar 0-0 Â isku dhaafiwaayeen Kooxda kubadda cagta ee dalka Kenya. Kooxda Soomaaliya ayaa magaalada Jabuuti horay 3 iyo 1 uga soo guuleystay kooxda Kenya.
Ciyaartan oo la filayay in ay ka dhacdo Magaalada Nairobi ayaa loo wareejiyay garoonka Oserian ee magaaladda Naivasha ee isla dalka Kenya ka tirsan.
Kooxda Kubada Cagta ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan iyadoo mid ka mid ah ciyaartooda Soomaalida uu qaatay kaarka Cas balse Soomaaliya waxa ay u baahneed in ay u soo gududbto wareega Labaad ee koobka CAF.
“Inkasta oo cayaarta qaytii kowaad nalaga saaray cayaartooy aad u wanaagsan, rigoorana loo dhigay kooxda Kenya, haddana waxaa noo suura gasahay in aan ka guuleysano kooxda Kenya” ayuu yiri tababare Farayare.
Kooxda kubadda cagta Soomaaliya ayaa wareegan labaada la ciyaaridoonta kooxda kubadda cagta ee Masar oo ay da’doodu ka yartay 17.
Wareega hore ee ciyaartan ayaa dhaxmartay Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku dhamaatay 3-1 waxayna ka dhacday dalka Djibouti iyadoo xulka Soomaaliya uu muujiyay dadaal badan iyo sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareega labaad ee isreebreebka koobka
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentlemanâ€
xafiiska bartamaha ee Nairobo,Kenya
uma bogin warkaaan
sxb waan ku faraxsanahay bareejada ay la gashay kenya inkastoo ay tahay kooxda da,da yar ee soomaaliya
sxb qeyr ayaan iskuagnahay