Xukumada KMG ah oo qarka u saran Kalsooni la’aan soo wajahda.

Posted on Jul 11 2010 - 10:23am by News Desk
Tweet
Pin It

WasiirasadaBartamaha  (Nairobi):- Xukumada Cusub ee Sharma’arke ayaa qarka u saran in ay wayso Kalsoonida Baarlamanka oo aan weli la horgaynin.

Xukumada KMG ah oo horay loo dalbaday in la horkeeno Baarlamanka ayaa qarka u saran in ay wayso kalsoonida xilli maanta ay ugu danbaysay fursadii la siiyay in la horkeeno Baarlamanka.

Xildhibaan Cali Max’uud Faarax “Seeko” oo mudanayaasha ka mida ayaa sheegay in xukumada aanay helaynin wax kalsooni ah maadaama ay dhamaatay mudadii loo qabtay in baarlamanka la keeno.

Xildhibaankaasi waxa uu sheegay in xukumada aanay weli kalsooni soo weydiisan Baarlamanka taasina ay mugdi galinayso kalsoonida Xukumada Sharma’arke.

Sida warar hoose ay sheegayaan khilaaf aan sida au buurney ayaa ka dhex jira xukumada Sharma’arke iyo madaxda baarlamanka oo labadaba isku haya kalsoonida baarlamanka la weydiisanaayo.

Sharma’arke ayaa ka baqanayaa in xukumada ay kalsooni wayso mar haddii la horgeeyo Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya maadaama wasiiro badan uu khilaaf ka dhex taganyahay.

Lama garanayo xiliga kalsoonida ay soo dalban doonto xukumada wallow mugdi badan uu ku jiro kalsoonida Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.