Bartamaha(Muqdisho):-Qaar ka mida Xubnaha Xildhibaanada dowlada soomaaliya ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa kulan ay halkaasi ku yeesheen waxa ay kaga hadleen xaalada dalka ee xiligan iyo shaqooyinka Xukuumada Fd Somaaliya oo ay dalbadeen in baarlamanka ay hurtimaado.
Kulankan oo ay isugu yimaadeen in ka badan 100-Xildhibaan oo u barakacay Magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in Xukumada Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ay baarlamanka hor’tmaado si loola xisaabtamo iyo in la ansixiyo heshiisyada ay dowlada soo sixiixatay.
Xildhibaan Cali Baashi C/laahi oo ka mid ahaa xubnaha magaalada Nairobi kulanka ku yeeshay ayaa waxa u sheegay in ay muhiim tahay sii socoshada howsha Dowlada Soomaaliya loona baahanyahay in mudanayaasha Baarlamanka lala socodsiiyo dhammaan heshiisyada dowladu ay soo gasho.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in ay xilagan ay jirto wada shaqeyn la’aan Xukumadda iyo Baarlamanka ah taasi oo uu ku sheegay in ay keeni karto in cid waliba ay shuruucda dalka ku tomato isagoo tilmaamay in Xukumada Cumar c/rashiid ay soo gashay heshiisyo aan baarlamanka laga ansixin.
Mudanayaasha kulanka yeeshay ayaa sidoo kale waxa ay ku baaqeen in Ciidamada Amisom ay ka bar-bar dagaalamaan dowlada Fd Soomaaliya si loo gaaro guul soo dag-dagta taasi oo uu sheegay in ay fududeyn karto sii socoshada shaqada dalka ay ka wado dowlada soomaaliya.
Hadalkan ka soo yeeray mudanayaasha Baarlamanka Dowlada Soomaaliy ayaa waxa ay dharbaaxsho ku noqonaysaa Dowlada Madaxweyne Shariif maadaama inta badan Mudanayaasha Baarlamanka ay u barakaceen magaalada Nairoobi taasi oo muujinaysa shaqa la’aanta xildhibaanada Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.