Bartamaha (Kismaayo) Kadib markii  Gobalkaasi Gedo ay sanadihii ugu dambeeyay ku dhufteen abaaro dabo dheeraadey iyo colaado ku soo noqnoqdey Gobalkaasi Gedo ayaa waxaa degmooyin iyo deegano badan oo ka tirsan Gobalkaasi Gedo  isaga soo hayaamey  dadkii reer miyaga ahaa ee xoolo dhaqata ku ahaa  Gobalkaasi Gedo kuwaawi oo hataan soo buuxdhaafiyay qaybo kamid ah Gobaladani Jubbooyinka,
wararka ka imaanaya deegaanada miyiga ee kuyaal dhinaca galbeed ee Gobalkan Jubbada hoose ayaa tibaaxaya in maalmihii ugu dambeeyay kumanaan dad xoolo dhaqata ah ay soo buux dhaafsheen deegano badan oo katirsan Gobalka Jubbada hoose gaar ahaan tuulooyinka beerxaani , Buulo Xaaji , Cabdalla Biroole ,   Buriyo iyo Baqdaad  kuwaasi oo dhamaantooda ku yaala dhinaca galbeed ee Gobalkaani Jubbada hoose ayadoona ilaa iminka ay soo qulqulayaan dadka xoolo dhaqatada ah  ee Naftooda iyo Malkooda kala baxasanaye abaaraha ku dhuftay Gobalkaasi Gedo.
Sikastaba ha ahaatee imaanshaha dadkani reer miyiga ah ayaa ka dambeeysay kadib markii sanadihii ugu dambaysey Gobalkaasi Gedo ay ku dhufteen abaaro daba dheeraadey iyo waliba colaada tan iyo horaantii sanadani 2009 ku soo noqnoqdey Gobaalkasi Gedo.
Kala soco wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.com
Ismaciil Cali
Kismayo-Somalia