Xizbul Islaam oo Heesaha iyo Musikada ka mamnuucay Idaacadaha Muqdisho iyo Dowlada oo cambaaraysay arintaasi.

Posted on Apr 4 2010 - 8:08am by News Desk
Tweet
Pin It

 

Muqdisho:-Maamulka Xizbul Islaam G/Banaadir ayaa Idaacadaha Muqdisho ku amray in ay joojiyaan Heesaha iyo Musikada ay ka sii daayaan Idaacadaha.

Shirjaraa’id oo shalay Muqdisho uu ku qabtay Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam Muqdisho Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa amar ku siiyay Idaacadaha Muqdisho in ay Heesaha iyo Music joojiyaan.

Macali Xaashi ayaa sheegay in Music iyo Heeso Idaacadaha ka sii baxa ay dhabar jab ku tahay howlaha ay wadaan Mujaahidiinta Kooxaha uu ugu yeeray taasi oo ay si toos ah u mamnuuceen.

G/Gobolka Banaadir Xizbul Islaam ayaa Idaacadaha fursad u siiyay muddo 10-Maalmood ah in ay ku joojiyaan Heesaha iyo Musikada ay sii daayaan islamarkaana ay badalaan dhammaan Cajaladaha u yaala Idaacadaha.

Dhanka kale Dowlada KMG ah ayaa Cambaaraysay Hadalka Xizbul Islaam oo ay ku sheegtay Dowlada mid aan la qaadan Karin oo muujinaya in la cirib jarayo dhaqanka iyo Xuriyada Saxaafada.

C/risaaq Qeylow oo  u hadlay Wasaarada Warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in Xizbul Islaam ay ku xadgudubtay Xuriyada Saxaafada islamarkaana ay doonayaan dhibaato iyo Carurin ay saxaafada saaraan.

Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegtay in aanay marnaba u dulqaadan doonin amarada ay bixinayaan Kooxaha Islaamiyiinta oo dhammaan ay ka simanyihiin Caburinta Saxaafada.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.