Xizbul Islaam oo Dowlada u cafin la’ degmooyinka kooban ay haysato.

Posted on Mar 7 2010 - 11:39am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06866Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan ku hammi weyn yihiin maamul ay u dhisaan Degmooyinka Dowlada ay ka taliso.

Gudoomiye Xigeenka Maamulka Xizbul Islaam Muqdisho Sheekh Ibraahim Barre Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan qorshe ay maamulka  Xizbiga u gaarsiinayaan Degmooyinka ay Dowlada ka taliso.

Sargaalkaasi ayaa sheegay in ay Maamul u magacaabayaan Degmooyinka Xamar-Weyne,Xamar Jajab,Waabari,Wadajir iyo Dharkenley oo ay hadda Dowlada ka haysato caasimada oo dhan.

Masuulkaasi G/Banaadir Xizbul Islaam u qaabilsan ayaa waxa uu sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan dhamman Saldhigyada Booliiska ee ka maqan gacanta Dowlada haatana ay doonayaan in ay ku darsadaan kuwa kale ee haray.

Shirkajaraa’id inta uu socday ayaa masuulkaasi la su’aalay Hamiga ay ku doonayaan in kula wareegaan meelaha Muqdisho ka haray sababta xiligan galisay waxa uuna sheegay in ay ku kalsoonyihiin awooda ciidan ay haystaan Xizbul Islaam oo dhammaan magaalada ka saari karta Ciidanka Dowlada.

Hamiga Xizbul Islaam ee Muqdisho ayaa imaanaya xilli dhammaan Gobolada ay gacanta ku hayeen Kooxdaasi ay kala wareegeen Alshabaab oo isku fidisay Deegaano badan oo ka mida Muqdisho iyo dhamaan Gobolada kale.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.