Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Xizbul Islaam oo hanjabaad culus u jeediyay Amisom iyo Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.
Afhayeenka Howlgalada dagaalada ee Kooxda Xizbul Islaam Maxamed Cismaan Caruus ayaa daaha ka qaaday in ay layn doonana Ciidanka Amisom islamarkaana ay dilayaan madaxweynahooda hadii dalka uu dib ugu soo laabto.
Caruus Ayaa sheegay in aanu dalka lahayn Madaxweyne Mosavani oo uu ku dhaliilay in uu masuul ka yahay shacabka maatada ah ee maalin walba ku dhamaada dagaalada ka dhaca Muqdisho.
“Mosavani dalka isaga malahan hadii mar kale uu yimaado waan dili doonaa….masuul ayuu ka yahay dadka dhamaanaya mana ahan in uu si raaxo leh uu uga soo dago garoonka Muqdisho…..wax walba oo dhaca anaga waan sii wadaynaa dagaalka aan uga soo horjeedno Amisom….” Ayuu yiri Caruus.
Afhayeenka Howlgalada dagaalada ee Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa uu cadeeyay in dagaalka ay uga soo horjeedaan Amisom iyo Dowlada KMG ah uu noqon doono mid hada dib u bilowda.
Masuulkan oo u hadlayay Xizbul Islaam garabka uu hada hogaanka u yahay Xasan Daahir ayaa waxa uu xusay in ay Ciidanka Xizbul Islaam ay yihiin kuwa diyaarsan oo dagaal doon ah.
Hadalka masuulkan ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho shalay uu soo gaaray Madaxweynaha Dalka Ugandha oo si nabad ah kulan ula qaatay Madaxda dowlada ka dibna ka dhoofay garoonka Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
as wr wb waa idin salaamay awalan ka dib waxaan lee yahay dagaalada looga soo horjeeda galada wadanka joogta wan tageersanahay aniga laakiin maatada yaan laleynin dagaalka toos haloo galo ama walaalah muslimiinta ah halaxushmeeyo waa talo fikirka muhiim ma,ahan in laqaato;