Xisbul Islaam oo La wareegtay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan

Posted on Jan 22 2010 - 3:56pm by News Desk
Tweet
Pin It

beledweynBartamha Beledweyn — Waxaa soo gaba gaboobay dagaallo culus oo saaka ka qarxay gudaha magaalada B/weyne iyo hareeraheeda kuwaasi oo u dhexeeyay Ururka Xisbul Islaam iyo Ciidanka Ahlusuna ee horay dowlada uga tirsanaa.

Goob joogayaal ku sugan magaalada B/weyne ayaa Bartamaha u xaqiijiyay in Bariga magaalada ay si buxuda ula wareegeen Ciidamada Xisbul islaam oo gacan ka helay kuwa Al Shabaab.

kooxaha Xisbul Islaam iyo Shabaab ayaa la sheegay in ay dagaalka Ahlusuna ugasoo qaadeen Sedax Jiho taas oo keentay in magaalada laga saaro Yuusuf Dabageed iyo Aadan Garaase oo maalmahan B/weyne qayb ka haystay.

Dagaalka ugu culus ayay Xisbul Islaam kasoo galeen dhanka Maxjuub iyo Baardheere Bariga magaalada taas oo dhabar jebin ku ahayd Ahlusuna iyo Dowladda.

Nus saac kadib ayuu dagaal ka bilaawday gudaha magaalada kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Yuusuf dabageed iyo kuwa Ururka Al Shabaab kadibna waxaa magaalada ka baxay Ciidankii Dowladda.

Xaaladda ayaa hadda degan waxaana lasoo sheegayaa in B/weyne ay gebi ahaanba dib ula wareegeen Shabaab iyo Xisbul Islaam oo 12 Maalmood ka hor ay ku haysteeb Dowladda iyo Ururka Ahlusuna.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Aadan Garaase iyo Yuusuf Dabageed ay gaareen Tuulada Jawiil oo B/weyne dhanka Kalabeyrka uga beegan 35 KM.