Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan ka mida Golaha deeganka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay si dirqi ah uga badbaaday koox doonaysay dil ay kula dhaqaaqaan.
Sida uu Maanta Saxaafada u sheegay xildhibaan C/qaadir Maxamed shiikhey oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir waxaa xalay hoygiisa ku soo weeraray Ciidam o Dowlada ka tirsan oo doonayay in ay khaarijiyaan.
Weerarka Xildhibanka ayuu ku sheegay mid la xiriiray hadal shalay uu jeediyay kaasi oo uu ku canbaareynayay duqeyntii Amisom iyo dhacca ay Ciidamada Dowlkada geystaan.
Xildhibaan Sheekhey ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada gurigiisa soo weeraray ay ahaayeen kuwa doonayay in ay isaga dilaan maadaama ay rasaas gurigiisa ku bilaabeen .
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Taliska Ciidamada Dowlada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee la xiriira Ciidamada Weerarka ku soo qaaday hoyga xildhibaankaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.