Xildhibaan Maxmed Jimaacale Furux oo sheegay in sharci daro dakada Muqdisho loogu wareejiyay Ciidamada Amisom .

Posted on Aug 30 2009 - 7:00pm by News Desk
Tweet
Pin It

furuBartamaha(Muqdisho):-Mudane  Maxmed Jaamac (Furux) oo ahaa masuulkii maleeshiyaadkii xilii gacanta ku haysay Dakada Magaalada Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in Dakada Muqdisho sharci daro ay ku shaqeyso.

Xildhibaan Maxmed Jaamaca (Furux) oo la hadlayay maanta warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in dakada Magaalada Muqdisho ay si sharci dara ah uga shaqeystaan ciidamada Amisom.

Mudanahaasi Baarlamanka ka tirsan ayaa waxa uu sheegay in Dakadaasi uu isaga badbaadiyay muddo 15-sano ka badanna uu gacantiisa ku hayay balse xiligan uu sheegay in sharci daro ay maamul uga yihiin Amisom iyo Madax aan xaq u lahayd sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa waxa uu baaq digniin ah u jeediyay Hay’adaha samafalka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed isagoo sheegay in wixii shaqo ah Ee dakada laga qabanayo ay muhiim tahay in isaga lagala soo xiriiro.

Furux ayaa sheegay in Madaxda Dowlada ay iska indha tireen garsoorida qaab maamulka Dakada Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in markii hore awood looga qaatay Ciidamadiisa .

Waa markii ugu horeysay oo mudanahaasi xiligan Baarlamanka ka mid ah oo si cadho leh uga hadlo qaabka shaqada Ee Dakada Magaalada Muqdisho iyadoo warar hoose oo soo gaaraya Xafiiska www.Bartamaha.com ay sheegayaan in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay mudanahaasi iyo maareeyaha dakada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.