Xildhibaan Caan ah oo ku dhaawacmay Muqdisho.

Posted on Jul 20 2010 - 5:13pm by News Desk
Tweet
Pin It

barlamanka somaliaBartamaha (Muqdisho):-Xildhibaan ka mida Golaha Baalamanka KMG ah ayaa mnaanta dhaaweac ka soo gaaray rasaas haleeshay xilli uu doonayay galitaanka Hotelka Wehliye Muqdisho.

Xildhibaan Cumar Maxamed Islow oo ka mida Xildhibaanada Firfircoon ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta rasaas Wiifta ah ay haleeshay xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee HGotelka Wehliye Wadada Makka Al Mukarama Muqdisho.

Xildhibaan Islow ayaa waxa uu dhaawacmay xilli uu ka soo quustay galitaanka Madaxtooyada oo uu qorsheynayay in uu aado sida xogta aynu ku helnay isagoo la socday xildhibaano kale ayaa la xaqiijiyay in rasaas ay soo rodayeen Alshabaab ay ku dhacday isagoo taagan Hotelka Wehliye sida uu cadeeyay mudane la socday xildhibaankaasi.

Xildhibaanka oo dhaawaciisa uu yara fududaa ayaa loo qaaday Isbitaalka ay maamulaan Amisom halkaasi oo haatan lagu dabiibayo Mudane Xildhibaan Cumar Islow oo dhaawaca ka soo gaaray qeybaha hoose ee jirkiisa.

Dagaalada saacadihii la soo dhaafay ka socanayay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qasab ka dhigeen in la gali waayo Villa Somalia iyo meelo ku dhowdhow oo aad ay u joogeen Madaxda Dowlada KMG ah taasi oo sababteeda lagu macneeyay Alshabaab maleeshiyaadkooda oo si weyn ugu soo dhawaaday Villa Somalia.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.