Bartamaha(Bacaadweyn):-Xiisad Colaadeed ayaa saaka laga dareemayaa Deegaanka Camaara iyo Bacaadweyn halkaasi oo ay isku horfadhiyaan maleeshiya beeleed.
Wararka laga helaayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xiisad colaadeed ay ka taagantahay Deegaanka Camaara iyo Bacaadweyn oo aan kala dheereen halkaasi oo ay isku horfadhiyaan maleeshiyo caraysan.
Maleeshiyada Labada Bee lee dhawaanahan ku dagaalamaysay Deegaanadaasi Gobolka Mudug ayaa waxa ay saacadihii ugu dambeeyay wadeen diyaar garow dagaal.
Cabsi ayaa laga dareemayaa Deegaanada ay isku horfadhiyaan Labada Maleeshiyo Beeleed oo ay weli ku dhex jiraan Nabadoono ka soo kala jeeda Labada Beel.
Xaalada ayaa ah mid kacsan oo laga baqanaayo in xili waliba uu dagaal ka bilowdo Deegaanadaasi Bacaadweyn iyo Camaara oo muddo Laba Bil ka badan ay isku dilayeen Laba Beel oo wada dagan Gobolka Mudug.
Wixii warar ah ee cabsidaasi ku soo korodha kala soco www.BARTAMAHA.COM
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.