Xarunta Bartamaha ee magaalada Nairobi ayaa wareysatay mid kamida saxafiyiinta Soomaaliyeed oo isagu kamid ahaa dadkii lagu xirey Xaafadda Islii ee magalada Nairobi (Dhageyso)

Posted on Jan 22 2010 - 11:29am by News Desk
Tweet
Pin It

Wariye Ahmed Cabdisamad Cilmi bartamahaahmed three

Xarunta Bartmaha ee Magalada Nairobi ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay Wariye Axmed Cabdisamad Cilmi Xaashi.

Axmed Cabdi samad Cilmi Xaashi waxa uu kamid yahay Wariyayaasha Soomaaliyeed ee qurba joogga ku ah dalka Kenya, waxa uuna ka hawl gala idaacadda Star Fm oo ku hadasha Codka Gobalka Waqooyi bari oo ah gobalka ay Soomaalidu Ka degto dalka Kenya, xaruntiisuna ay tahay Magaalada Garissa.

Axmed waxa uu war akhriye ka yahay xarunta idaacadda oo ku taalla xaafadda islii ee magaalada Nairobi, waxa uuna kamid ahaa dadkii ciidamada ammaanka Kenya ay ka qabqabteen Xaafadda islii ee caasimadda dalka Kenya taariikhdu marakay ahayd 17kii bishaan.

Hadaba waxa inoo suuro gashay inaan wareysi la yeelano axmed cabdi samad oo aanu wax ka weydiino qaabkii loo xirey, waxa dadka soomaaliyeed ee ciidamada ammaanka Kenya ay qabqabteen la weydiinayay, halka la geeyay iyo dadka la qabtay tiradooda, dhamaan Suaalahaas iyo Su,aalo kaleba waxaa ka jawaabaya Wariye Axmed Cabdisamad oo aan wareysi kula yeeshay magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Xafiiska bartamaha ee bariga Afrika.
Nairobi, Kenya.