Bartamaha (Muqdisho):- Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa maanta magaalada Muqdisho ka soo saaray wareegto lagu farayay ku dhaqanka Shareecada Islaamka shacabka Magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee Ururka  Alshabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen sheegay in magaalada Muqdisho maanta laga bilaabo ay muhiim tahay ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Gudoomiyaha Alshabaab Ee Gobolka Banaadir oo  saxaafada u aqriyay wareegtada ay maanta Muqdisho ka soo saareen ayaa waxa uu sheegay in dhammaan shacabka Muqdisho lagu amrayo in ay xeraan goobaha ganacsiga xiliyada Salaada islamarkaana ay salaada ku oogaan Jamaacada.
Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in Haweenka Muqdisho la farayo xerashada Xijaabka  taasi oo wareegtada uu ku sheegay Waaliga Gobolka Banaadir in ay tahay waajib haween uu Illaah amray.
Amarkan ay maanta magaalada Muqdisho ka soo saareen Xarakada Alshabaab ayaa waxa uu qeyb ka yahay Amaro nuucaani oo kala ah oo ay awood ku dhaqan galiyeen qeybo ka mida Gobolada ay maamulaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.