Xafladda furitaanka xafiiska Bartamaha iyo Olol Films ee Bariga Africa oo Nairobi lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Posted on Feb 28 2010 - 7:28pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

xafiiska bartamaha cusubBartamaha (Nairobi):-Xafladan oo aad loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Hotel Andalus ee magaaladda Nairobi iyadoo ay xafladda ka soo qeyb galeen Mas’uulin iyo qeebaha kala duwan ee bulshada.

Wariye C/rahmaan British oo ahaa xariiriyaha xafladda ayaa Ugu horeentiina waxaa Meekarafoonka ku soo dhaweeyay xildhibaan Nadiif oo ka mid ah Xildhibaada Dowladda KMG ee Somaaliya sidoo kalle Xildhibaan Nadiif waxa uu ka midyahay Xildhibaanada Dowladda KMG ee Somalia ee u matala wadamada Carabta, Xildhibaanad Nadiif ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in Maamulka iyo Shaqaalaha www.Bartamaha.com iyo Olol Flims u soo qaban qaabiyeen Xafladda Furitaanka Xafiiska Bartamaha ee Bariga Africa.

Intaas kadib waxaa goobta ka hadlay Ibraahim Da’ud Abdalle oo ah Madaxa Bartamaha iyo Olol Films ee Magaaladda Nairobi oo hadal kooban uu jeediyay ku sheegay in Bartamaha iyo Olol Films ay diyaar u yihiin wixii talo ah in ay la wadaagaan Ummadda Somaliyeed gaar ahan dhalinyaradda, sidoo kalle Ibraahim ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan cid walba oo Qoraal ama talooyin wanagsan haysa jecelna in ay la wadaagaan Somalida ku noola Dunida dacaladeeda.

Muuqaal ka hadlayay gabar Somaliyeed oo uu ku dhacay Cudurka Dilaaga ah ee HIV/Aids oo lagu soo bandhigay Xafladda ayaa runtii dadkii ka soo qeebgalayay xafladda ku beertay murugo kadib markii gabdha uu dhibkaasi heesto ay si qiiro ah ay ooga sheekeesay dhibaatada ku dhacday iyo sida uu Cudurka Dilaaga ee HIV/Aids.

Prof. Mohamed Cumar Dalxa oo ah G/xigeenka Baarlamanka Somalia oo ka mid ah martidii ka hadashay xafladda ayaa amaan badan u soo jeediyay Bartamaha iyo Olol Films isagoo kadibna horay u galay hadalkii uu ugu tala galay dadkii isugu yimid xafladda ugu horeyntiina aad ugu dheeraaday Horumarka ay hiigsanayaan iyo dhibaatooyinka haysta dhalinta Somaaliyeed.

DSC05543

“Dhibaatada ama xadgudubka lagu hayo gabdhaha wax badan ayaan u soo joognay gaar ahaan gabdhaha naftooda u biimeeyay Tahriibka si ay nolal wanaagsan u haleen” ayuu yiri Dalka…

Prof Dalxa ayaa ka qiirooday indhihiisa ay Ilmo ku soo istaagtay Khudbadiina uu joojiyay kadib markii uu ka sheegay ama iftiimiyay dhibaatadda Dhalinyaradda Somaliyeed gaar ahaan Dumarka Somaliyeed ku haysta dalalka Sudan iyo Saxaraha Liibya.

Xafladda sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaan Daahir Ciiro, Abdisalam oo ka shaqeeya Xafiiska R/wasaaraha Somalia, C/qaadir “Barnaamij” oo ahaa Agaasimihii Warfaafinta ee Madaxwayne Shiekh Shariif , Eng. Khadiijo oo ah Madaxa Xarunta Kalsan ee Magaaladda Nairobi, Mohamed Abdulaahi Sidii oo ah Gudoomiyaha Wariyaasha Qurba joogta, C/risaaq oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Kenya iyo Mas’uuliyiin kalle oo ay ku jiraan labo Xildhibaanabad.

Dhan kalle C/qafar Axmed Shire oo ah Agaasimaha Bartamaha iyo Olol Films ee Bariga Afrika oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay Bartamaha iyo Olol Films iyadoo uu C/qafaar soo bandhigay wax qabadka Bartamaha oo ay ka midyihiin Show-ga Wargalin ee Todobaadkiiba ay mar soo diyaariyaan Bartamaha iyo Filimada ay Olol Films duubeen arrintaas oo dadkii xafladda isugu yimid ay la dhaceen.

DSC05583

“waxaa jirta Hooyo ka dawarsan jirtay Wadooyinka xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi caruurteeda aysan dhigan jirin Iskuul dhibaato ba’ana ay ka haysay nolasha iyo korinta caruurta ayna caawiyeen Walaalo Somaaliyeed oo Qurbaha jooga kadib markii ay Muuqaal ay ka duubeen ay daawadeen” ayuu yiri C/qafar Axmed Shire oo ah Agaasimaha warbaahinta

Dadkii xafladda isugu yimid ayaa aad ula dhacay qaabka ay xafladda u soo agaasimeen Bartamaha iyo Olol Films oo u soo bandhigay Muuqaalo wanaagsan oo xambaarsan dareemo kala duwan.

Ugu danbeyntii xafladda aya ku soo gabagabooday jawi wanaagsan oo dadkii xafladda isugu yimid ay aad ula dhaceen.

Hoos ka daawo sawiradii xafladda.

DSC05506

DSC05533

DSC05536

DSC05543

DSC05550

DSC05564

DSC05566

DSC05567

DSC05572

DSC05601

DSC05605

DSC05619

DSC05631

DSC05635DSC05653

DSC05626

DSC05603

DSC05601

Ibraahim Da’ud Abdalle

xafiiska Bartahama ee Nairobi-Kenya